Booliiska dalkaasi Turkiga ayaa xaqiijay nin Imaaraati ah oo sirdoonka dalkaasi qabteen 10 cisho kahor uu is -diley. Booliiska ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan waxa keenay in ninkasi isku daldal kjô jeelka dhexdiisa isku daldalay.
Ninkan ayaa basaas u ahaa Imaaraadka waxana lala qabtey ninka kale oo isagana lala xiriirinaauo dilkii foosha xumaa ee Sucuudigu u gaystey suxufigii Jamaal Kashowqi oo ilaa hadda Sucuudigu diidan yahay inuu gacanta Turkiga soo geliyo kuwii gaystey.
Basaaskan is diley ayaa waxa la socdey ninkale, waxayna sheegteen markii hore inay u dhashern Falastiin laakiin markii la waraystey ay qirteen inay yihiin basaasiin u shaqeeya Imaaraadka
Imaaraadka ayaan war ka soo saarin ragga ka xiran ee mid hadda isdiley. Xiriirka Turkiga iyo Imaaraadka ayaa aad u xun maadaama ay kala haystaan laba urur diimeed..
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay