24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Degmada Widhwidh ee gobolka Sool oo cadaalad deg dega ka dhacday

Degmada Widhwidh ee gobolka Sool ayaa waxa saaka ka dhacday cadaalad deg dega kadib markii nin lagu dilay halkaasi. Waxyar kadib ayaa waxa la arkay in ninkii la dilay adeerkii uu isna barti ku diley ninkii hore ee la diley. Cadaaladan deg dega ayaa qaboojisay colaad hurmi lahayd.

Dadka magaalada ayaa warkan saaka si xooga uga hadalhayay waxayna ka bixiyeen faaloyin kala duwan inkastoo guud ahan ku farxeen cadaalada deg dega, hadana waxay is waydiiyeen sharciga u gacangalay dadka caadiga ah.

Waxa la xaqiijiyay in labada ninba isla saaka lagu aasay magaalada. Somalida ayaa ku deg dega dilka iyadoo sidii burburku u dhacay la iska xalaalaystey dhiiga dadka maadaama aanu jirin nidaamyo laga sugaa cadaalad.

Ninkii dilay ninkan dambe ayaa la soo sheegay in la hayo lana filayo in la sii daayo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS