Tuunisiya oo usbuuc ka hor nin waalani diley ugu yaraan 40 qof oo dakxiisayaal ahaa ayaa bilaabeysa gidaar ay isaga celiso argagixisada ka imanaysa dalka burburey ee ay jaarka yihiin ee Liibiya halkaas oo lagu soo tababaray dhiigyacabkii ka tirsanaa argagixisada Daacish.
Weerarkaas lagu qaaday dalxiisayaasha oo ah shirkada ugu weyn ee shaqaalaysa kumanaan reer Tuunisiya ah oo aan shaqo hayn ayaa keentay in ay oodo irid kasta oo ay ka iman karaan argagixisada la duufsadey ee diinteena ka beensheegaya.
Laakiin dadka indha indheeya siyaasada Tuunisiya ayaa sheegay in gidaarkale oo weyn ay u baahan tahay Tuunisiya maadaama ay xad dheer oo saxare ay la wadaagto Aljeeriya oo iyada lafteedu dagaal kula argagixiso xasuuqey shaqaale aan waxba galabsan. Gidaarkan ayaa dhererkiisu noqon doonaa 100 mayl.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay