X

Uhuru oo booqday saldhig u dhow xeebta Somaliya xilli go’aanka dacwadu soo dhowdahay

Madaxweynaha Kiiniya ayaa booqday saldhig Maraykanku u dhisay oo ku yaala aag ku beegan baddeena uu damacu kaga jiro, xilli go’aanka baddu soo dhowdahay. Booqashadan ayaa loo arkaa inuu Somaliya ugu hanjabayo inuu awood ku joogayo badda xataa go’aanka kadib ayuu yiri Cali Calasow.


”Raiisal wasaare Gunti Giijiye ayaa laga diidey inuu wasiirka duuliska ka bedelo booska taas oo dad badan u arkeen inay ku qotonto dacwada badda iyo qaadka laga joojiyay Kiiniya ayuu raaciyay Cali Calasow.

Uhuru wuxuu isku halaynayaa Maraykanka oo xubno dawladihii hore ee xagjir Taram ay sheegeen in badda Kiiniya ku murmayso ay iyadu leedahay, inkastoo maamulka cusub welli mowqifkiisa aanu cadayn laakiin ay saxaafadoodu qorto in Somaliya loo awood sheegto.


”Kiiniya waxay joogtaa Somaliya tana waxay ka dhigan tahay inaanay jirin dawlad dalka wada haysata ayay qoreen jaraaidka Maraykanka, marka ma aragno si ay badda ku hanato xataa haddii loo go’aamiyo ayay raaciyeen.

Joogitaanka ciidanka Kiiniya qaybo ka mida goboka Jubbada hoose waxay ka hor istaageysaa Somaliya inay si buuxda u sheegato badeeda ayuu qabaa khabiir Somali ah. Marka waa in Kiiniya laga eryaa dalka xataa dhiigmiiratadu ha qabsato Kismaayo ayuu raaciyay khabiirku.


”Ciidanka hadda u dhisan dalka waa la balaadhin karaa haddii dawlada hadda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo dib loo doorto ayuu qabaa Xuseen Warsame haddiise horgale soo baxo oo ah sida Kiiniya iyo kooxda Xalane rabaan rajadu waa mid gumeysi u eg.

Si kastaba ha ahaatee booqashada Uhuru ayaa direysa fariin ah waxba ha is waalin ana waan joogaa saaxiibadayna waa iga dambeeyaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.