X

Waxgaradka Warsangeli oo cambaareeyay falkii Siciid Deni kula kacay wasiir Jamaal

Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa si xun u cambaareyay falkii horjooge Siciid Deni kula kacay wasiirka qorsheynta qaranka Jamaal Maxamed Xasan oo booqasho ku tagay gobolka uu ka soo jeedo.


Ilaalada wasiirka oo ka soo kicitimay Dhahar iyo dadweyne farabadan oo iyaguna kaga soo biiray Garoowe ayaa rabay inay wasiirka ku soo dhaweeyan garoonka Garoowe, waxase hor istaagay ciidan uu soo direy Siciid Deni.

”Waxaan u cambaaraynaa falka Siciid Deni kula kacay wasiir Jamaal oo ah fal qabyaaladeysan oo ah in loo sheegayno wasiirka magaalada Garoowe ayay yiraahaan waxgaradka Warsangeli ee ka hadlay dhacdadan foosha xun.


”Horjooge Siciid Deni wuxuu arkayaa siyaasiyiinta beesha ee uu hore u eryay sida xuna u bahdiley in beesha Warsangeli falcelin fiican ka samayn, tana taas hore ayay dabasocotaa ayuu yiri Daahir Axmed.


Si akstaba ha ahaatee maaha markii ugu horeysay ee siyaasiyiinta beesha Warsangeli sidan oo kale loogu bahdilo maamulka Bultaan oo iyaga la’aantood aan jiri karin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.