X

Ururka caafimaadka aduunka oo beeniyay warar ku saabsan caabuqa cusub

Ayadoo baryahan la sheegayay in  Ingiriiska laga hela nooc cusub oo ka mida cudurka Karoona laakiin si aada ku faafa ayaa ururka caafimaadka aduunka oo baarayay arintan sheegay inayna waxba ka jirin in caabuqa cusub ka daran yahay kan hadda jirey.


Khuburada Ruushka ayaa iyaguna sheegay in daawada ay hadda hayaan ee loogu talogalay ka hortaga caabuqa Karoona ay ka hortagi karto midka cusub ee la sheegayo.

Wadamo badan oo aduunka ayaa cunaqabatayn saaray Ingiriiska oo ah halkii lagu sheegay caabuqa cusub oo isla Karoona ah laakiin ay ku sheegeen inuu xoog ku faafayo. Ururka caafimaadka aduunka oo iyagu baaray arintan markii ugu horeysay ayaa cadaayay in waxba ka duwanayn kan hadda jira.


Waxa lo baahan yahay baadhitaan dheer laakiin intaan hadda ogaanay waxba kama duwana kan hadda jira ayuu yiri khabiir u hadlay ururka caafimaadka aduunka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.