X

Ururka caafimaadka aduunka oo ka digey in cudurka Kooro sii joogayo

Ayadoo wadamada aduunka badankooda bilaabeen inay dabciyaan xanibaadaha ay saareen dadkooda si loo yareeyo faafida cudurka Kooro, ayaa ururka caafimaadka aduunka ka digey in cudurku sidaa ku tagin.



”Haddii la qaldo sida wax loo wado waxa dhacaysa in cudurku soo laba kacleeyo, waxase muhiima in la ogaado oo la aqbalo xaalada cusub ee la galay ayuu yiri masuul sare oo u hadley ururka caafimaadka.

”Waxa jira xanuuno badan oo markey soo baxeen aan la yaabney laakiin haddana daawo u helnay oo welli inala jooga, marka waa muhiim in aan lagu degdegin dancinta taloobooyinka qaar ayuu raaciyay.


Shiinaha

Si kastaba ha ahaatee dawlada Shiinaha ayaa sheegtay inay dib xanibaad u saartey gobol u dhow kii hore ee uu ka bilowdey cudurka Kooro ayna tijaabi doonto dad ka badan 11 milyan oo qof muddo hal usbuuca.

Wadamada lacagta leh ee kale ayaa la daala dhacaya tijaabinta boqol kun bishii.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.