X

Ururka dadkiisa laaya ee ONLF oo ka hadlay nin lagu bahdilayay dawlada Farmaajo

Ururka dadkiisa laaya ee ONLF ayaa ka hadlay nin Somali Itoobiyaana oo lagu magacaabo Qalbidhagax. Ninkan oo lagu bahdilayay dawlada madaxweyne Farmaajo ayaa lagu hayay guri ku yaala Itoobiya dadkana loogu sheegay in la xirey.


“C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu magan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, labaatan maallmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.” Ayuu yiri Afhayeen Hirmooge.


Wuxuu sheegay inay doonayaan C/kariin in la geeyo meel uu ammaan ku helayo oo reerkiisa uu waqti kula qaadan karo, isaga oo sidoo kale tilmaamay inaanay markale dooneyn in (Qalbi-dhagax) uu ku laabto Soomaaliya oo uu tilmaamay in markii horeba ay iibsatay dowladda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.