X

Xaalada Weriye Farxiye Mire oo laga waramay

Xaalada Weriye Farxiye Mire ayaa laga waramay.

Weriye Farxiya Mire oo ka howlgasha warbaahinta dowladda ayaa Nin Bistoolad ku hubaysan uu maanta Duhurnimaddii ku dhaawacay agagaarka isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana suuragashay in ciidamada amniga gacanta ku dhigaan ninkii falka geystay.


Waxaa weriye Farhiya ku dhacay laba xabadood oo ka haleeshay caloosha iyo keliyaha, waxaana hadda la sheegay inay xaaladeeda degan tahay oo aan wax halis ah ku jirin, iyadoo ay tacaalayaan dhakhaatiirta.


Weriye Farxiyo ayaa loo dhigey shirqool kadib marki gabadh ay ku balamisay huteel halkaasna ugu tagtey nin qori la taagan oo toogtey.

Nasiib wanaag waxa lagu guulaystey in gacanta lagu dhigo argagixiskii toogtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.