Ururka jaamacada Carabta ayaa mowqif mideysan ka qaatey dekedda Berbera.
Kal fadhiga wasiiradda arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa ahaa kii 149 waxana looga hadlay Sagaal ajande oo kamid tahay warqad Dowladda Soomaaliya u gudbisay ururka jaamacadda carabta kuna saabsan heshiiska baadilka ah ee dekadda Barbara.
Wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Dawladda Imaaraat-ka ay waajib ku tahay iney ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed .
Golaha wasiirradda Jaamacadda Carabta ayaa Ashtakadaasi kasoo saaray baaq ay ku mideysan yihiin oo ah in madaxbanaanida, midnimadda iyo xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan oo Dowladda federaalka ay masuul ka tahay.
“ Ajandayaasha laga hadlay way badnaayeen ilaa Sagaal ayay ahaayeen, waxa kamid ahaa horumarinta Dalalka Soomaaliya, Suudaan ,Yemen, Liibiya iyo Wadamo kale, waxa annaga gaar inoo ahaa inay jaamacadda Carabta xaqiijiso mowqifkeeda ku aaddan arrinta soomaaliya sida midnimada iyo Qarannimadda umada Soomaaliyeed iyo in aysan jiri karin shirkad ajnabi ah iyo Dalal shisheeye oo arrimaha Soomaaliya soo fara geliya, shirkad aan Dowladda Soomaaliya ka haysan oggolaash marna kama shaqayn karto Soomaaliya” ayuu yidhi wasiir Cawad
Dekedda Berbera ayaa deked lagu dhisay xoolaha ummada Somaliyeed isla markaana sida loo qaybsaday uu yahay xaaraan ka fog sharciyada ganacsi ee la yaqaano.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay