Ururka weyn ee Xisbulah ayaa dhulka soo dhigey diyaarad Yuhuuda leedahay oo ah nooca aan wadin oo ku soo xad-gudubtey xadka iyo dhulka Lubnaan. Waa diyaaradii ugu horeysay ee Yuhuuda laga soo rido xiisadan u dambeysay.
Xisbulah ayaa sheegtay inay dhulka ku soo rideen lana eegteen gantaal. Waxay intaas ku dareen inay burburkeeda ka soo qaadeen deeganada Koofurta dalka.
Yuhuuda ayaa awood u weyday inay soo dhacsato ayadoo haysata hubkii Maraykanka ee ugu badnaa. Sarkaal Yuhuuda u hadley ayaa sheegay inay dhacdey oo wax ka si noqdeen waase diidey inuu qirto in la soo ridey.
Dhawaan ayay ahayd markii telefishan Ruusha uu booqdey xadka labada dal arkeyna xero Yuhuudu leedahay oo ay ka carareen, markii la gubey taangi Yuhuudu leedahay.
Xisbulah ayaa wacad ku maray inuu raaxada u diidi doono Yuhuudii ku soo xad-gudubta dalkeeda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay