X

Ururka Yes Sport ee Holand oo qalab ciyaareed soo gaarsiiyay deegaanada Baki Araabi iyo Lafaciise

Ururka Yes Sport ee xaruntiisu dalkaasi Holland ayaa agab ciyaareed soo gaarsiiyay deegaanada Baki, Araabi, iyo Lafaciise waxana qalabkaasi gudoomay xubnaha loo wakiishey in ay qabtaan qalabkaasi dabadeedna u gudbiyaan deegaanada ay u socdaan.

Iyada oo baahida dhinaca agabka ciyaaraha ah ee ka jirta deegaanka Araabi ee Degmada dembal  ay aad u badan tahay, isla markaana ay wax ku ool iyo mid loo baahan yahay oo lagama maarmaan ah ay tahay taageero kasta oo dhinaca agabka ciyaaraha ah oo ay dhalintu hesho ayaa waxa uu qurbajooge Aare Maxamed oo ka mid ah qurbajoogta deegaanka Araabi ayaa waxa uu ka soo jawaabay warbixin ay shabakada caalamiga ah ee Araabinews sanadkii hore ka soo diyaarisay deegaanadaas.

Qalabkan loo soo diray Araabi ayaa waxa ay la socdeen agab kale oo ururka Yes-Sport oo ka dhisan qurbaha iyaguna u soo direen deegaano dhowr ah waana agab dhinaca ciyaaraha ah oo aad u muhiim iyadoo ay wax ka tari doonto baahiyaha dhinaca ciyaaraha ee ka jira deegaanada Araabi.

Agabkan oo lagu soo hagaajiyay weriyaha shabakada Araabinews ee deegaanada Awdal iyo Selel Abdirashid Abdi Jama ayaa waxa uu uga mahadceliyay cid walba oo ka qayb qaadatay howshan gaar ahaan qurbajoogaha soo xasuustay deegaankiisii isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa hadaladiisii ka mid ahaa

‘Waxa aan ka socdaa degaanka Araabi oo aan agabkan ciyaareed ee Yes-sports ka yimid u gudoomayo, waan gaarsiin doonaa dhalintii loogu talo galay, waxa kale oo aan sheegayaa in baahida qalabka ciyaarta ay u qabaan dhalintu ay wax badan ka tarayso, waan u mahadnaqayaa markale dhalinyarada muwaadiniinta ah ee gartay in dadkooda ay wax taraan gaar ahaan muwaadinka reer Araabi ee howshan isku xilsaaray

Kana jawaabay warbixintii aan ka soo diyaariyay deegaanka, waxana an ku dhiiri galinayaa bahda kale ee qurbojooga ah in ay taageero soo gaarsiiyaan dhalinyarada, si loo kobciyo muruqa dhalinta iyada oo la hiigsanayo in jidhka fayaw ay ku jirto maskax fayaw, taasna lagu heli karo oo kaliya dhiiri galinta ciyaaraha”. Agabkan ayaa la gaadhsiin doonaa deegaankii maalmaha soo socda hadii Alle idmo.

C/Rashid Rashka

Boorama

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.