12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Usbakistaan oo aastey hogaamiye dalkiisa u diidey argagixisada caalamiga ee diinta ku qaraabta: SAWIRO

Waxa maanta dalkaasi Usbakistaan lagu aasay hogaamiyihii dalkiisa u diidey in ay argagixisada caalamiga ah ee diinteena ku qadhabaabta ay saldhig ku yeeshaan.

Islam Karimov ayaa dalka soo xukumayay markii uu burburey dalkii awooda waynaa ee Midowga Soofeeti, wuxuuna xataa diidey in uu iska dhaafo siyaasad xumo ay la timi gabadhiisu.

Waxa aan la garanayn cida xukunka bedeli doonta iyadoo laga baqayo in xurguf timaado taasna abuurto in argagixisadu saldhig ama joogitaan ka samaysato dalkaasi.

Sawirka dhexda waa xaaska madaxweyne Islam Karimov oo xiran dharka geerida iyo gabadhiisa oo ag taagan oo ubaxa geerida ka gudoomaysa raiisal wasaaraha Ruushka.

Waxa aaska madaxweynaha ka qaybgalay madaxweyneyaasha Midowgii Soofiyeeti iyo wadamada jaarka la ah ee ay aafeeyeen argagixisadu.

by

ol hy rmu

rmu

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS