23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xisbiga Dayib Erdogan oo dib u helay aqlabiyada barlamaanka dalkaasi iyo taageerada mucaaradka oo yaraatay

Xisbiga madaxweynaha dalkaasi Turkiga ee AKP ayaa dib u helay aqlabiyada barlamaanka oo ay lumiyen doorashooyinkii May ka dhacay dalkaasi oo xisbigu ku lumiyay taageerayaal iyo kuraas badan. Xisbiga ayaa lagu eedaynayaa in uu cabsi geliyay Turkida isagoo u sheegay in Kurdiyiintu khatar u yihiin dalkooda.

Xisbiga ayaa hadda helay kuraas ka badan 290 halka xisbiyada kalana ay kordhiyeen kuraastooda. Madaxweynaha dalkaasi xisbigiisa ayaa la filayaa in uu kursiga raiisal wasaaraha uu sidaa ku sii hayo raiisa wasaaraha hadda haya.

Dadka badankiisa ayaa ku tilmaamay aqlabiyada ay heleen xisbiga Erdogan mid u keenaysa dalkaasi deganaansho siyaasadeed iyadoo siyaasadu ka soo bixi doonto hal meel waxase la sheegayaa in ayna haysan kuraas ku filan oo ay ku bedelaan dastuurka dalkaasi si ay uga bedelaan nidaamka raiisal wasaaraha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM