22/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Siilaanyo oo casho ku taagay ciyaaryahanada kubadu uga socoto Hargeysa

Aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, in ay si isku-tashi iyo naf-hurisnimo leh uga qayb-qaataan, kaalmada iyo gurmadka loo samayn doono, walaalahooda abaaruhu wax-yeeleeyeen. Waxaan leeyahay dadkayga “Marka aynu isu naxariisanno, ayuu Ilaaheen inoo naxariisanayaa”.

Nabigeenii Suubanaa, Nabad iyo Naxariis Eebe Korkiisa Ha Ahaatee, waxa uu yidhi: “Kuwa Naxariista, Waxa u Naxariista, Allaha Naxariista Badan” Sidaas darteed, waxaan ku guubaabinayaa dadweynaha gudo iyo dibed, qurba-joog iyo qolqol-joog, intuba, in aan loo kala hadhin gurmadka abaaraha.

Waxaan idin leeyahay dadkaygiiyow, waxaynu nahay hal dal, hal dad, iyo hal dareen. Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf, Abaarta soo noqnoqonaysana Alle inaga dul-qaado, waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaano, isna saamaxno.

Waxa kale oo inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqono, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay. Waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirka dhexdeena, isla markaana aynu taladeena iyo towfiiqdeenna ummadnimo toosino.

12345678910

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS