20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Waa goorma maalinta weyn ee ciidul adxa

Ciidul adxa ayaa ka mida maalmaha aadka u weyn ee Muslimiintu leeyihiin. Waxa ciidan u dheer Muslilmiinta oo maalinta ka horeysa ciida taagan buurta Carafo, taas oo maalintaas Muslimiin badan Soomaan.



Hadaba sanadkan ayaa ciidul Adxa ku beegan tahay 21 bishan Sideedaad oo ku beegan Salaasada soo socota maadaama Isniinta beri ah la taagan yahay banka ama buurta Carafo.

Munaasabada maalintan weyn ee ciida ayaa Muslimiintu uga qayb qaataan ayagoo xiran dharkooda ugu quruxda badan intii awooda, iskuna shuba cadarada kuwooda ugu udgoon.



Waxa taas ka horeysa ayagoo subaxa hore salaada subax kadib qubeysta ayagoo isku diyaariya maalintan weyn ee la amrey cidkasta inay ka soo qaybgasho inkastoo ay sunna tahay.

Hadaba anagoo idiin soo hormarinay maalintan weyn waxaan idin leenahay ciid mubaarak dhamaan akhristeyaasha sharafta leh.

Xulka heesta Ciida oo jacayla

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=wp6tXgoPkNY[/embedyt]

ARAABINEWS