X

Waa in aan dhowrnaa dhulka iyo madax banaanida Somaliya: war murtiyeedkii madaxda geeska

Waxa dhamaadey shirkii gobolka Axmaarada uga socdey madaxda Somaliya, Itoobiya iyo Eriteriya waxana ka soo baxay qodobo ay ku jiraan dhowrista dhulka iyo madaxbanaanida Somaliya.


Madaxdu waxay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal.

Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee illaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha ay si goonni ah iyo si wadajir ahba u wajahayaan.


Sidaasi awgeed, madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madax bannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale madaxdu bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya.


Shirkan ayaa loogu talogalay isku soo dhawaanshaha dalalka geeska iyo bariga Afrika, waxaanu yimi isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay Itoobiya uuna hogaamiyo Cabi Axmed.

Lama garan karo halka loogu gudbayo arintan iyadoo lagu socdo in Jabuuti ka mid noqoto kulanada dambe, lana dhameeyo khilaafka jira.

Sawirada madaxda geeska iyo bariga Afrika

Hoos ka akhriso warmurtiyeedka

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.