X

Sheekada sadexdii dabaal ama doqon

Nin ayaa gabadh ka doontay Aabaheed, Aaabihii wuxuu weydiistay 100 halaad, Ninkii gabadha soo doontay xoolo iyo xandho wuxuu ka lahaa Boqolkaa halaad wuuna dhiibay, Gabadhiina waa la siiyay.


Ninkii waa kaxaystey Ooradiisa, waxayna degeen meel kayara fog halka ay deganaayeen reerka gabadha. Muddo markii la joogay waxaa reerkii hareeyay faqri xoog leh, waxaana habeen habeena ka mid ah u soo martiyay gabadha Aabaheed oo deeq doon ah iyada oo aynan reerka heysan wax ay cunaan habeenkaa.

Ooradii guriga waxay dan biday in ay mid deriskooda ah ka doonto Cunta ay habeenkaa ku martido odaygeeda iyo Aabaheed oo aanan xaalka reerka war u heyn, maskaxdiisana ay ka baxday in uu ninka gabadhiisa qabo uu horay uga soo qaatay xoolo wuxuu lahaa.


Ninkii deriska u ahaa reerka wuxuu gabadhii ku yiri lugtaas Sagaaro qaado, ”ogowna deynkaas waxaan kaaga bedelanaa Naagnimadaada”.

Gabadhii waa yaabtay, waa qaadatay Lugtii, balsa subaxnimadi hore, kolkii waaga nabad ugu baryay ayey isugu yeertay saddexdi nin, Ninkeeda, Aabaheed iyo ninkii deriska u ahaa, waxayna ku tiri ma ogtihiin in aad tihiin saddex dabaal ama doqon.


Aabaheed waxay ku tiri waxaad deeq u soo doonatay nin wuxuu lahaa xoolo iyo xandho aad gabadhaada kaga soo bedelatay adiga oo ay taa kuu dheertay in aadan soo wareysan xaalka reerkan ku sugan yahay.

Ninkeedii waxay ku tiri, waa ku mahadsan tahay in aad i soo doonatay laakiIn waxaad ka marin habawday in aad wax kala reebato xoolahaaga, sabankana wax u reebato, halkii aad xoolahaaga oo dhan ku bixin lahayd rabitaanka nafteyda.

Ninkii deriska ahaa waxay ku tiri, gabadh boqol halaad laga soo dhiibay ayaad rabtaa in aad korkeeda ku gaarto “Lug Sagaaro”.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.