X

Waa in la kordhiyo ilaalada Ilhaan Cumar kadib sawirkii Taram: xisbiga Dimoqraadiga

Madaxweynaha xagjirka ee dalkaasi Maraykanka Taram ayaa bogiisa baraha bulshada ka fujiyay sawirka Ilhaan Cumar oo xaga dambe uu ka yeelo muuqaal muujinaya weerarkii 2001 ee lagu qaaday Maraykanka.


Dhinaca kale xisbiga dimoqraadiga ayaa cadeeyay in haddii Ilhaan Cumar wax ku dhacaan uu eeda leeyahay xagjir Taram xilli la cadeeyay in hanjabaadaha dilka uu sii kordhey intii uu sudhey sawirkeeda.

” Waa dila oo caadiya ayay tirti xildhibaan Rashiida. Fadeexad kadib Taram ayaa sawirkaa Ilhaan ka saaray laakiin welli laga arki karo qaybtiisa fidinta, waxase weerar caadiya ku haya saxaafada Yuhuuda ee dalkaasi qoorta ka haysata.

Ilhan Cumar oo ka hadashay sawirka xagjirka Taram sudhey bartiisa baraha bulshada iyo muuqaalka ka dambeeyay, ayay tilmaantey inuu sii kordhey hanjabaadaha dilalka ee loo soo dirayo.


Afhayeenka barlamaanka ee dalkaasi ee ah xisbiga Dimoqraadiga oo lagu canaantey inayna si xoogleh u difaacin Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Sharaf daro tahay in xagjir Taram ula dhaqmo Ilhaan sidaasi, hadana aan dalbanayno in la kordhiyo amnigeeda.

Si kastaba ha ahaatee Ilhaan Cumar ayaa Taram u noqotey awr kacsi. Xagjir Taram ayaa maanta booqanaya gobolka Minasoota ee laga soo dooryo iyada, waxayna ka baqdey in rabshado ka dhacaan.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.