November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Waa kuma wakiilka Itoobiya u soo magacowdey Somaliland

Waa kuma wakiilka Itoobiya u soo magacowdey Somaliland. Kadib markii Itoobiya u yeeratay Tigreegii joogi jirey Hargeysa ayaa dad badan lahaa waxa halkaas ku dhamaadey xiriirka Itoobiya la leedahay maamulada Somaliya, waxase bedelkiisa la keenay wakiil kale.



Wakiilka Itoobiya u soo magacowdey inuu fadhiisto Hargeysa oo lagu magacaabio Shamsudiin Axmed Rooble ayaa ka soo jeeda beelweynta Samaroon laakiin ah Samaroonka faraha badan ee Itoobiya degan, waxna ku bartey kuna korey af-Somaliguna ku adag yahay.



Shamsudiin Axmed Rooble ayaa ah safiir ruuhg cadaaya oo Itoobiya uga soo shaqeeyay meelo badan sida Nayroobi, waana wakiil shaqadiisa ku kooban oo aan dhinacna uga leexan.

Talaabadani ayaa muujinaysa in raiisal wasaaraha isbedelka dalkiisa keenay Cabi Axmed uu welli wado farogelinta dalka Somaliya laakiin ah si ka duwan sidii hore.



Lama garankaro in uu talaabadan kala tashadey dawlada dhexe iyo in uu iska raacay wadadii hore ee Itoobiya ku socotey.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS