17/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Waa shaki la’aan inuu madaarka ka shaqaynaayay ninkii soo dhacay: Kiiniya

Kiiniya ayaa ka hadashay nin ka soo dhacay diyaarad ay leedahay Kiiniya oo Ingiriiska ku socotay oo xilligii ay ku dhawayd inay degto uu ka soo dhacay nin fuushanaa goobta taayirka diyaaradu ku xeroodo.



Nin isagu ka mid ahaa dadka diyaaradaha soo degistooda xiiseeya oo si toosa ula socday diyaarada ayaa sheegay in ninkaas jidhkiisu isku yaalay markii uu soo dhacay waayo ayuu yiri dhaxantii ku dhacdey ayaa baraf ka dhigtey jirkiisa.



Xataa halkii uu ku soo dhacay oo sibidh ahayd waxa kala dilaaciyay jugta maadaama dhagax camal uu noqdey.

Kiiniya ayaa sheegtay in ninkaas uu u egyahay nin ka mida shaqaalaha diyaaradaha agtooda ka shaqeeya oo xilliga la dhameeyay baarista yimi kadib.



Meydka ninkaas ayaa Ingiriisku baadhid ku wadaa waxana la raadinayaa magaciisa iyo halka uu ka soo jeedo. Waxay muujinaysaa in madaarka Kiiniya aanu amni ahayn xilli ay Somaluda ku dejiyaan Wajeer.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS