X

Waa sidee ganacsiga magaalada Baydhabo iyo dadka cabasho muujiyay

Waa sidee ganacsiga magaalada Baydhabo iyo dadka cabasho muujiyay. Shalay ahayd markii taageereyaasha hogaamiyihii hore ee argagixisada Shabaab Mukhtaar Roobow oo kooxdaasi gaaleynta  dhexdeeda looga yaqaanay magaca Abu Mansuur ay magaalada ka fureen calanka Somaliya kuma xireen kan argagixisada shabaab ee madow.


Shacabka caadiga ah oo khaati ka taagnaadey amarka iyo kala dambeynta burburey qaybo ka mida magaalada oo ay isku qasmeen argagixisada iyo kuwo jufo ahaan u taageersan xagjir Mukhtar Roobow ayaa ciidanka amniga ee booliiska iyo kuwa kale ku taageeray kala dirista kooxdaas.


Waxa jirey goobo ka mida magaalada oo la bililiqaystey, ayadoo dadku mari waayeen wadooyinka qaar oo dhagxaan ay ka buuxiyeen, isla kuwii sameeyayna hadda ku dhib qabaan.

Ganacsiga degmada ayaa dib u furmey maanta casarkii. Dadka ayaa aad yu caroodey ganacsiga iyo nolosha looga ciyaaray labadii cisho ee u dambeeyay.


Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.