X

Waa sidee xaalada caafimaad ee fanaanada weyn ee Maryan Mursal

Fanaanada weyn ee Maryan Mursal ayaa hadda ku sugan Hargeysa halkaas oo xanuun Lama filaana ku soo booday. Fanaanada ayaa sheegtay inay uga timi London oo ay ku nooshahay si uga qayb gasho arooska wiilasheeda.


Laakiin waxay sheegtay in markii ay Ka soo degtay diyaaradii ay la socotey ee Itoobiya una wareegaysay tii Hargeysa gain lahayd ay qaadi Kari weyday lugteeda iyo gacanteeda midig.

Xanuunka ayay ku sheegtay faalid tar. Fanaanada ayaa Ka warantey inta dhakhtar ee ay martey iyo wixii la siiyay oo ayna ku roonaan. Haddase ay qaadi Karto lugta laakiin gacantu yar culustahay.


Dabcan hawshii farxada lahaa ee ay u timi kama qaybgelin, labadii wiil ee ay dhashayna waa ay guursadeen. “Waxaan deg-deg ugu noqonayaa dhakhtarkeygii gaarka ahaa ee London ayay tiri.

Waxa keliya oo ay codsatey mar la weydiiyay fariin ay u diri lahayd ummada Somaliyeed oo Ka walaacsan xanuunkeeda ayay tiri waan fiicnahay ee ducadu waa xagiina.


Waxaan leenahay Rabi caafimaad deg dega haku siiyo. Aamii Aamiin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.