X

Itoobiya oo diidey fikir cusub oo ka yimi Masar ee dhanka biyo xidheenka

DCIM100MEDIADJI_0692.JPG

Dawlada Itoobiya ayaa ku gacan saydhey fikir cusub oo ka yimi Masar oo ku saabsan biyo xidheenka Itoobiya ka dhisayyso xadka ay la wadaagto Suudaan. Masar iyo wadamada la wadaaga biyaha webiga Niil ayaan wadahadal in muddo ah.


Masar ayaa ka baqaysa in ay yaraadaan biyaha ay ka hesho labada webi ee Niil ee dhexmarmara saxaraha weyn ilaa uu ka gaaro badda Carabta iyo Yurub u dhaxaysa.

Masar ayaa sheegtay in bio xidheenku wax u dhimayo qaranimada Itoobiya.


Wasaarada arimaha dibedda Itoobiya ayaa sheegtay in kolba fikir cusub uu wax u dhimi karo is aaminka ka dhex taagan wadamada wadaaga biyaha. Itoobiya ayaa leh biyo xidheenkan wuxuu abuuraha shaqooyin farabadan waxna uma dhimayo biyaha caadiga ah ee u socda Masar.

Dawladihii gumeysiga ayaa gooyay in biyaha ugu badan ay leedahay Masar. Webiga Niil oo ah laba biyo oo isku tagey kadibna aada Masar asagoo sii dhexmara Suudaan Ayaan Masar la’aanteed noolaan Karin.


Biyo xidheenkan ayay ku baxdey 5 bilyan oo doolar oo ay kala bixiyeen bangiyada Shiinaha sida mishiinada halka Itoobiyana bixisay inta kale oo gaaraysa 3 bilyan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.