Madaxweynaha Ruushka Buutin ayaa sheegay inuu caawin doono Armiiniya haddii lagu soo duulo dalkeeda. Mar uu la hadlaayay xaalada dagaal ee u dhaxaysa Aserbajaan oo rabta inay dhulkeeda ka xoreyso Armiiniya ayuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalkaas uuna ku baaqayo xabad joojin.
”Armiiniya waxay ku jirtaa xulafada iskutaga amniga oo ay ku jiraan dalalka Ruushka, Kirgistaan, Tajikistaan, Kazakhistan, iyo Bilaruus. Xulafadan ayaa la sameeyay kadib burburkii midowgii Soofiyeeti, marka waan qasbanahay laakiin hadda weerar laguma hayo dalkeeda ayuu yiri Buutin.
Tani ayaa ka dhigan in madaxweynuhu ogyahay in Armiiniya qalad ku jirto oo ay xoog ku joogto dalka Aserbajaan, oo hadda ayna helayn taageerada Ruushka, inkastoo la aaminsan yahay inuu hoos uga dhiibo hubka, maadaama ay saldhig ku leeyihiin Armiiniya.
Si kastaba ha ahaatee dagaalka ayaa maalmahan qaboobay, ayadoo Armiiniya ay kumisay tuulooyin farabadan oo u dhow Nagoorno Kaarabaakh.
”Dadka ku nool labadaasi dal maaha dad nagu cusub waana dad aan xidid nahay, runtiina waan ka xumahay dagaalkaa sii socda ayuu yiri Buutin.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS