07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Waan ogolnahay madaxweynaha saxda ah ee Siiriya Asad: Turkiga

Turkiga ayaa runta isku sheegay ogolaadeyna madaxweynaha saxda ah ee dalka ay jaarka yihiin ee Siiriya madaxcweyne Asad. Sheekadii Sunni iyo Shiico ee Sucuudigu keenay ayaa socon weyday, wuxuuna hadda qaatey fikrada Ruushka ee ah in Asad yahay madaxweynaha saxda.

Raiisal wasaaraha dalkaasi Yildrim oo la yimi siyaasad furfuran markii Erdogan kala garan waayay saaxiibkiisa iyo cadowgiisa uu sheegay I Turkigu caawin doono wixii isagana dantiisa ku raacsan.

Waxaase isaga ugu daran geesityiinta Kurdiyiinta oo dhulkooda la wareegay markii laga qaaday ciidankii Siiriya ee joogey gobolada ay degan yihiin.

Kurdiyiinta ayaa neceb in ay la noolaadaan Carabta iyo Turkiyiinta waxayna rabaan in ay iyagu iskood isku maamulaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS