X

Waan qabaa Axmed Siilaanyo inuu Xanuusanayo…Iguma Filna QAAXO ayaynu Wada Joognay iyo SNM Baynu Ahayn..

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa si cad daboolka uga qaaday Madaxweyne Siilaanyo inuu xanuun-sanaayo, sidoo kale, waxa uu iftiimiyey gooni isu-taaga Somaliland inaanu ki jirin hadafka iyo ujeedadii Ururkii SNM.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin taageeradiisa KULMIYE, iyo sidoo kale aragtida uu kaminsan yahay Musharraxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Waxa kaloo, uu Muj. Cali Guray iftiimiyey aragtidiisa shaqsi ee ku aadan hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaji xasan.

Ugu horrayn Cali Guray oo sharraxaya doorashadiisa Kulmiye iyo aragtidiisa Muuse Biixi, waxa uu yidhi: “.. Muuse 32-sanno ayaan kasoo horjeeday ilaa maanta, sow idin-ma lihi anigu [Ali-gurey] codkaygaan siinayaa weli Cali-Gureyow maxay kula tahay ima odhan, ma arag, ma rumaysanaysaa?

Ragga waa-weyn ee aqoonyahanka ah ee aniga iiga sii dhowaa Nin uu wax weydiiyey kuma jiro …Uma arko Muuse Biixi iyo Cirro inuu midna hoggaamiye yahay. Aniga laftaydana iguma filna QAAXO ayaynu wada joogi jirnay iyo SNM baynu ahayn oo waynu soo halganay, waxaan wax ku doorto maaha..”.

Teeda kale, Cali Guray oo ka jawaabayey waxay la tahay hadal haynaha soo noq-noqday ee la xidhiidha Caafimaadka Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu yidhi “..Waan qabaa Axmed [Madaxweyne Axmed Siilaanyo] inuu xanuusanayo..”.

Cali Gurey oo wax laga waydiiyey aragtida shaqsi ee u ka qabo Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xasan, waxa uu yidhi “..Horta Xirsi waa FARIID, Fariidkana waan jeclahay xataa hadii aanu is-hayno, waa nin dedaal badan, waa geesi…Khibrad dheer malaha..”.

Ugu dambeyn Siyaasi Cali Guray waxa uu si cad uga hadlay fikirkiisa ku aadan midnimada Somaliya, iyo sidoo kale, Ururkii SNM siyaasaddiisa ku aadanay Mustaqbalka Somaliland iyo Somaliya, isagoo arrintaa ka hadlaya, waxa uu yidhi  “..Waxaan ugu jeclaan lahaa Soomaali oo dhan oo dawlad keliya leh calan keliyana leh hadaan helayo, hadaan waayo Soomaaliya iyo Somaliland oo mid ah oo calan keliya leh, caddaalad-na ku heshiiya. Dee waxaan ka dagaalamay may hayn Soomaali diid..”. Ayuu yidhi Cali Gurey.

“..Sidii UDUB ha u Samraan, Waa Cadceed Dhacday KULMIYE..”

 

Xigasho Wargeesa Yool

admin:

This website uses cookies.