X

Wadaadada Hargeysa iyo Burco oo Jimcahana afka ka xidhey dhacdadii Laascaanood

Culimada Hargeysa iyo Burco ayaa Jimcahana afka ka xidhey dhacdadii foosha xumayd ee Muuse Biixi kula kacay shacabkii Somliyeed ee deganaa Laascaanood ee uu u bartilmaansaday qabiilka ay yihiin.


”Waa cajiib makuwaas miyaa diin inoo sheegi kara aan ka hadlayn dhacdooyinka waaweyn eee taagan ee wax weyn loogu dhimay ummad dhan oo degan oo halmar gawaadhi lagu gurey ayuu yidhi Xuseen Warsame.

Waxay aad u jecelyihiin inay dumarka ka hadlaan waayo waxay ku xidhan yihiin Sacuudigii hore ee diintooduu ku xidhneyd dumarka oo la qariyo oo lagu tunto xuquuqdooda, ugu yaraan Sacuudiga hadda waa laga baxay sheekadaas, waxayna qaateen diinta saxda ah.


Waxana muuqata inay ka guuraan weerarka dumarka una guureen inay qofkasta sida diinteenu u sintey u sinto. Dhacdada Laascaanood waxa iyagu ka hadlaya siyaasiyiinta qaarkood ee beesha dhexe halka wadaadku xooga saaray dumarka inuu ka hadlo.


Waxa taas ka sii daran inaan dhalinta looga digin khatata isqarxinta iyo iany xaaraan tahay in dad Muslima dhiigooda la banaysto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.