X

Maraykanka oo Ruushka ka baryay inuu culayska gaaska ka khafiifiyo Yurub

Waxa aad u yaraaday keydka gaaska wadamada Yurub waxana cirkaa isku shareeray qiimaha saliida ayadoo wadamada qaar sida Ingiriiska gawaadhidu safaf dheer ugu jireen sidii ay shidaal u heli lahaayeen.


”Hadda waxaan arkaynaa Maraykankii oo baryaaya Ruushka oo uu ku soo rogey kumanaan cunaqabatayn oo dhinac walba laakiin haddana uu waxba kaga qaadi waayay ayuu yiri Xirsi Warfaa.

”Waxaan u sheegaynaa Ruushka inaanu Yurub ku cunaqabayn gaaska ayuu yiri Jo Baydan oo baryadan ay ku dhacayso cidla. Maraykanka ayaa mudo isku dayay inuu joojyo dhuumo shidaal oo ka yimaada Ruushka oo toos gaas loogu siinayo Yurub.


Dhuumahaas ayaa hadda dhamaaday waxana ay dhawaan gaaska keeni doonanan Jarmalka. Baryadan ayaa u eg in Ruushku muujiyay isku filaansho weyn oo xagga shidaalka ah.


Madaxweynaha Ruushka ayaa dhawaan ka hadlay gaaska qaaliga noqday wuxuuna balan qaaday inuu kordhiyo gaaska uu siiyo Yurub, taas oo qiimaha hoos u dhigtey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.