X

Wadaadada maamulka Somalilaan oo lagu eedeeyay laba wejiilenimo

Waxa waraysi uu bixiyay ninka lagu magacaabo Barbaraawi uu sheegay inuu diidan yahay in loo istaago calanka maamulka Somalilaan ee isagu ku abtirsado. ”Waxaan qabaa inay tahay masalo aan haboonayn in loo istaago calanka ayuu yiri Barbaraawi isagoo soo tiriyay niyado aan ka suurtoobin ummada muslimka ah.


Su’aasha aad weydiin karto dadka isaga la mid ah ayaa ah ma maraa ka weyn in dad Muslimiin la isku diro oo cadowga ay leeyihiin la galo halkoodii. ” Ma arkaysid iyagoo ka hadlaya cuqdada maalin kasta lagu abuuro wiilka dhalinyarada ah ee ku nool Hargeysa iyo Burco ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Maalin kasta waxa naloo sheegaa inaan Daarood iyo Hawiye neceb nahay iyo Koofurta Somaliya mana aragno hal wadaad oo ka hadla cuqdadaas nalagu beerayo ma saxbaa mise waa qalad ayuu yiri Bashiir Maxamed oo 21 jira. ”Haddase waxaan aragnaa inay maro ka hadlayaan ayuu raaciyay.


”Ummada Hargeysa iyo Burco ku nool runta in diintooda laga sheego ayay u baahan yihiin maaha inaad diinta si xagjirnimo dadka loogu fasiro ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

”Welli ma arkin hal wadaad oo noo sheegaya waxay ka qabaan kuwan na afduubtey ee leh waanu go’nay ayuu yiri Muuse Xasan oo 28 jira kuna nool Burco.


”Waxa ii muuqda laba wejiileyn ayuu raaciyay waanu jecel nahay inaan mowqifkooda ogaano. ”Horta marada waxay ku timi ma aaminsan tahay intaadan ka hadlin in loo istaago iyo in kale.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.