X

Wadaadka xagjirka ee Xasan Daahir Aweys oo fariin u direy dawlada iyo mucaaradka

Wadaadka xagjirka ee Xasan Daahir Aweys ayaa fariin muuqaala laga soo duubey ku socota dawlada iyo mucaaradka. Xasan Daahir ayaa ka hadlay siyaasadii u dambeeyay.



Xasan Dahir ayaa fariinta u gudbiyay kooxaha la soo kireystay ee mucaaradka ku ah dawlada oo isla markiiba ku bilaabay jalaafeyn.

Mucaarad isku sheega ayuu ugu baaqay inay ciyaaraan kaalin wax dhiseysa ee aanay noqon kuwa wax dumiya, waxayna farriintiisa u muuqatay mid dhexdhexaad ah oo la isugu soo dhoweynayo labada dhinac.



Sheekh Xasan Daahir ayaa ku bogaadiyey kooxda Ahlu suna in degaanada ay ka taliso ay nabad ka dhigtay, isla markaana ay heshiis dhex dhigtay beelaha ku dagaalamay gobolka Hiiraan.



Wadaadkan xagjirka ah ayaa mudaba lagu hayaa xabsi guri si loo ilaaliyo amaankiisa maadaama welli aanu ka tagin xagjirnimada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.