Warar hoose oo soo ka baxaya madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ay dib u dhaceen wada hadaladii magaalada Addis-ababa uga furmi lahaa Somaliland iyo maamulka Khaatumo.
Waxaana wada hadaladan oo sida la sheegay loo balansanaa inuu bilaabmo 17 bishan aynu ku guda jirno ay noqdeen kuwo dib u dhacay muddo 10 cisho ah,kadib dalab ka yimi dhinaca Khaatumo oo ku saabsan sida naloo sheegay abaaraha baahsan ee ka jira gobolka Buuhoodle.
Dalabkan ka yimi sida la sheegay masuuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa ay maamulka Somaliland ka aqbashay,iyada oo maantana la filayay inay dalka ka baxaan xubnihii Somaliland uga qayb galayay wada hadalka u furmaya maamulka Khaatumo.
Waxaana wada hadalkan nuxurkiisu yahay sida ay xoguhu noo sheegeen in laga wada hadlo sidii labada mamul si nabada uGu wada noolaan lahaayeen.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay