06/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wadan sanadkiiba la tuuro 15 gabdhood markay dhashaan iyo Raiisal wasaaraha oo qaylodhaan ka direy

Wadan sanadkiiba la tuuro 15 gabdhood markay dhashaan iyo Raiisal wasaaraha dalkaasi oo qaylodhaan ka direy. Wuxuu yiri war ha tuurina gabdhihiina.

Isbitaalada dalkaasi Hindiya ayaa sheegay in ay dhalashada habluhu ay ka yartahay tan wiilasha sababtuna ay tahay in gabdhaha la dilo inta ay caloosha ku jiraan.

Raiisal wasaaraha Hindiya ayaa qaylodhaan ka direy gabdhaha la dilayo. Hindida ayaa haysta dhaqan in wiilashu waalidka wax taraan halka gabadha dhalataa ay kharash socda oo ayna awoodi Karin kharashka guurkeeda oo qoysku dusha u rido.

Waxa xalay la maqlay qaylo ilmoyar oo lagu tuurey wadada agteeda waxa nasiib wanaag booliiska wacay qoyskii qayladaa maqlay, waxayna noqotey gabadh jirta wax aan ka yarayn saacado.

Inkastoo xilli qaboober ka galay hadana markii gabadhaas yar la geeyay isbitaalka waxay ahayd qof qabow oo dhiigeedu hoos u dhacay laakiin sideeda kale caafimaad qabta laakiin oynaysa.

Dhaqaatiirta daawaynaya gabadhan ayaa sheegay in ay sugayaan natiijada dhiigaga ilmahan yar waxay rajaynayaan in waxkasta caadi yihiin.

_92010997_mediaitem92010996[1] _92011278_mediaitem92010993[2] _92011274_mediaitem92011002[1] _92011280_a2c5d8da-6627-46c1-bdf2-81589626f0e3[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS