November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wadooyin ka mida Muqdisho oo ciidanka dawladu xirey iyo sababta

Wadooyin ka mida Muqdisho ayaa ciidanka dawladu xirey. Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada ay xireen wadada Soobe, KM4 dhanka wadada aada Tarabuunka iyo wadooyin kale oo ka mid ah magaalada gudaheeda.



Waxaanan la ogeyn sababta keentay in wadooyinkaan ay xiraan ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya balse waxa caadiyan dhacda in la adkeynayo amaanka ayna jirto dad ka xun nolosha jirta.



Dadka ayaa la arkayay ayagoo lugaynaya oo kaliya la ogolyahay gawaarida ay wataan masuuliyiinta dawlada. Feejignaan badan ayaa ka muuqata ciidamada xiray wadooyinka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS