X

Waftiga raiisal wasaaraha oo beeniyay inay Ingiriiska keeneen dad iska dhiiba

Nimco Bashiir

Waxa fashil ku dhamaaday safar uu wasiirka koowaad ku tagay dalka Ingiriiska. Safarkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu kharashka badnaa maadaama ay la socdeen dad aad u farabadan oo u badan beeshiisa.


Socdaalka wasiirka Koowaad ayaa ahaa mid aan haba yaraate wax faaiido ah ugu jirin dalka maadaama lacagta la sheegay in lagu bixinayo waxbarashada ay tahay mid ay ku qoran tahay dalal ay ku jirto Somaliya laakiin ku dhacaysa jeebka hay’adaha ku shaqaysta magaca Somaliya.

”Ma arko wax faaiido ah oo ka soo baxay safarkani, ayadoo la isla dhexmarayo inuu la kulmay madaxweynaha Kiiniya oo isagu ahaa qofka shirka la gudoomiyanaya wasiirka koowaad ee Ingiriiska ayuu yiri Cali Culusow.


Shirarka noocan oo kale ah waa laga fogaadaa waayo waa istus. Waftiga wasiirka koowaad ayaa beeniyay in dadka la socdaa is dhiib u yimaadeen laakiin badankoodu yihiin shaqaalaha xafiiskiisa oo u soo raacay dalxiis.


Wasiirka Koowaad Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu eedeeyay inaanu ka fiirsan casuumadan ee uu markiiba qaatey. Safiirka Ingiriiska u fadhida xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa aad ugu faraxday imaatinkiisa. Taas oo shiki badan abuurtey.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.