X

Khamriga aan qabanay Hargeysa iyo Burco oo dhan ayuu sakhraansiin karaa: Somalilaan

Maamulka Somalilaan ayaa noqday hoyga khamriga iyo mukhaadaraadka kadib markii ay sheegeen in khamriga ay qabteen uu noqday mid Hargeysa iyo Burco oo dhan sakhraansii kara.


”Khamriga aan qabanay iyo xashiishada noocyadeeda kale duwan wuxuu sakhraasiin karaa Hargeysa iyo Burco oo dhan ayuu yidhi wakiilka Muuse Biixi u qaabilsan arimaha gudaha.

”Tani waxay muujinaysaa in khamriga si caadiya looga helo magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo uu u muuqdo mid ganacsi wanaagsan ay ka helaan kuwa soo geliya, ayadoo inta badan ay cabaan ajaanibta joogta deegaanadaas ayuu yiri Xuseen Warsame.


Waxase jirta khatar ah inuu Somalida dhexdeeda ku faafayo inkastoo aanu badneyn. Khamriga Itoobiya ka soo galaa dalka maaha wax cusub waxase hadda soo kordhay xadidka uu ku soo galayo ayadoo sidii Somaliya u burburtey aanu jirin cid ilaalisa xuduudaha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.