Waxa baryahan ku sugnaa jiida hore ee kacdoonka wafdi ka socdey Awdal Political Council oo ah urur ay leeyihiin reer Adal kana dhisan qurbaha. Waftiga ayaa indhahooda ku soo arkey heerka kacdoonku marayo..waxayna is arkeen madaxda kacdoonka badankooda sida Suldaan Wabar.
Wafigan oo isugu jiray aqoonyahano iyo waxgarad kale ayaa kala yimi dhamaan daafaha dunida ujeedada socdaalkooda ayaa ahaa in ay indhahooda ku soo arkaan heerka uu marayo kacdoonka iyagoo markaasi is dhaafsaday talooyin wax ku oola madaxda kacdoonka.
Wafdiga ayaa ku wareegay jiidaha kacdoonka ee aadka u kala fog waxayna ku farxeen sida hawshu u socoto.
Waftiga ayaa la filayaa in mardhow soo gabagabeeyay socdaalka iyagoo ku dhiirigeliyay madaxda kacdoonka in dariiqan uu yahay kan kaliya ee reer Adal uga tashan karaan aayahooda.
Waftiga ayaa la filayaa markay dib u noqdaan in ay ka waramaan wixii ay indhahooda ku soo arkeen.

Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay