X

Wahaabiyadii Sucuudiga oo Burco ka dilaacdey iyo gabdho jeelka loo taxaabay

Magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa maanta hadal haysa gabdho Itoobiyaana oo shaqaysanaya oo jeelka loo taxaabay.


Gabdhahan ayaa sida mulkiilaha maqaayadu sheegtay loola dhaqmey si dhaqanka iyo diinta Ka baxsan oo bilaa ixtiraama.

Ma jirin warqad xidhid ah oo gabdhahan Itoobiyaanka lo soo jaray waxa taas Ka soo daran in gabadh kale oo shaqaale laakiin Somali ah timaha la jiidjiidey oo masarkeeda xijaabka wax loo dhimey.


Is maad lahayn Burco ayaa Wahaabiyadii Sucuudiga Ka dilaacaysaa ayuu yiri Xuseen Warsame oo Ka faalooda siyaasada Somaliland.


Waxay yiraaheen gabdhaha iyo wiilasha ayaa wada cunteynaya oo sow meeshu maqaaxi maaha goormey xaaraan noqotey in maqaayadu laga wada cunteeyo.

Tani waxay muujinaysaa in maamulkan Muuse Biixi uu tops ula shaqeeya argagixisada
Wahaabiyada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.