08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wakhti korodhsi ayaa ka socda Muqdisho xilli Xasan ku fashilmey in uu doorashada qabto: Tarsan

Gudoomiyihii Hore Ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa waxa uu ka hadlay Shirka maanta la filayo inuu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Siyaasigaan oo hadda hogaamiye ka ah Xisbi Siyaasadeed ayaa sheegay inuu walaac ka qabo doorashada la filayo inay ka dhacdo Sanadkaan 2016 Soomaaliya mid keeni karta dib udhac.

Maxamuud Tarsan ayaa sheegay inay heleen xog sheegeysa waqti kororsi inay Dawlada hadda Shaqeeysa Ee Madaweyne Xasan Sheekh loogu sameyn doono Shirkaasi Furmaya Maanta hadii taasi ay dhacdana ay rajo xumo gelin doonto sida uu yiri Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Tarsan ayaa kahadlay Odayaashii soo dhisi lahaa Dawlada Cusub inay diyaarsan yihiin Ergooyinkii Beelaha umetali lahaa loona baahan yahay keliya inay Dawladu iclaamiso meesha Doorashada iyo Qaabka ay udhici doonto.

Wal wal ayaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay ka dib dhacdo Xilliga Doorashada loo ballamay Soomaaliya oo waqti kordhina loo sameeyo Dawlada Hadda Shaqeysa.