X

Wakiilka qaramada midoobey u jooga Somaliya oo Muuse Biixi u gudbiyay fariin aanu jeclaysan

Wakiilka qaramada midoobey u jooga Somaliya Maykal Kiitin oo isagu xukuma dalka Somaloya oo dhan ayaa Muuse Biixi u gudbiyay fariin aanu jeclaysan.

Kiitin oo Hargeysa kula kulmey Muuse Biixi ayaa u sheegay sida dunidu uga walaacsan tahay cabudhunta ka jirta mamulkan Somaliland ee sheegta inay go’een dimoqraadiyadna qaateen.
Maykal Kiitin ayaa soo qaatey arinta Naciima Qorane iyo Buurmadow oo u xiran markii uu yiri kursiga Jeegaanta soo wareeji.



Wasiirka arimaha dibeda maamulka isma magacaabay ee Somaliland ayaa saxaafada u sheegay inay taabteen doorashada, nabadgelyada iyo weerarka Somaliland ku qaadey Tukaraq.



Maykal Kiiitin ayaa intaanu Hargeysa iman sii maray Puntland halkaas oo uu Cabdiwelli Gaas kala hadley in laga shaqeeyo dimoqraadiga.
Intii Muuse Biixi maamulka loo dhiibey waxa sii kordhey kala fogaanshaha bulshada iyo musuqa. Waxana laga qayliyay tayada wasiirada uu keensadey.


Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.