X

Waqti lumiska iyo khasaaraha shirka Dhuusamareeb

Sidan la wada socono waxa Dhuusamareeb ka dhacay shir u dhexeeyay maamul jufeedyada iyo dawlada dhexe. Maamul jufeedyada oo aan ku taagneyn lugo sidaa u weyn ayaa waxa qaarkood wata Kiiniya iyo Maraykanka oo isku dana.


Madaxweynaha oo lagu qasbay shirka Dhuusamareen ayaa waxa ka soo baxay in xilka laga tuuro raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo watey qorshaha gaalada iyo doorasho ka duwan tii isaga laftiisu ku saxiixay Baydhabo.”Runtiina gaalada u oynaysa Xasan Cali ayaa ugu wacnaa inuu dhaco ayuu yiri Cali Calasow.


Khasaaraha shirka Dhusdamareeb

Waxaan hore u ognahay in shirkii Baydhabo lagu heshiiyay in doorashada dambe ay ku dhacdo mid qof iyo coda. Maadaama siyaasada dawladaha qasaya ay is bedeshay tan maamul jufeedyada la wato. Waana ta keentay in kumanaan doolar oo loo weecin lahaa waxqabad lagu cuno Dhuusamareeb.


Isku soo duuboo shirka Dhuusamareeb waa waqti lumis, waayo dalku dawlad ayuu leeyahay, waxa keliya oo la sugaa in ay la timaato nooca doorasho ee ku haboon kadibna ay hordhigto barlamaanka. Doorashadaas oo ay awoodi karto dhaqaale ahaan inta gaalada la sugaayo lacagta ay balan qaadeen. Labada doorashaba waa dhici karaan haddii la helo sharciga iyo dhaqaalaha ku baxaya ayuu qabaa Cali Calasow.


Laguma doodi karo muddo kororsi ayay dawladu wadaa waayo fadhiidyadii ka horeeyay Farmaajo waxay ku darsadeen mudooyin dheeraada, waxana shaqadiisa ku waayay madaxweynaha hadda. Marka dood kale oo furan ma jirto aan ka ahayn doorashada iyo xilligeeda oo lagu dhawaaqo.

Guddiga doorashadu waa isku yaraysay lacagta ay ka rabto gaalada, ayadoo dhalintu bilaa shaqo tahay, waxay ahayd inay dalbato boqol milyan oo doolar ugu yaraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.