X

War cusub oo ka soo baxay Somalida haysata baasaboorada ajaanibta iyo 1 milyan diidey

War cusub ayaa ka soo kordhey Somalida haysata baasaboorada ajaanibta sida Ingiriiska kadib markii dawlada Ingiriisku hore u sheegtay in Somalida haysata baasaboorkeeda ayna shaqo ku lahayn sharciiga Trump.

Wasaarada arimaha dibedda ee Ingiriiska ayaa warkan shalay faafisay oo sheegtay in Somalida ka dhoofaya Ingiriiska uuna qaban sharcigu.



War ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa lagu sheegay in Somalida haysata baasaboorka Ingiriiska ayna fiise u soo doonan Karin safaaradooda wakhtigan lagu jiro.

Dhinaca kale dadweyne ka badan hal milyan oo qof ayaa codsaday in dawlada Ingiriisku joojiso booqashada Trump uu ku imanayo dalka.



Haweenayda raiisal wasaaraha ayaa iyadu war ku sheegtay in casuumadaasi tahay halkeedii. Warka ku saabsan Somalida wadata baasaboorada ajaanibta ah ayaa kolba is bedelaya.

Waxa magalooyinka waaweyn ee Ingiriiska ka bilaaban doona banaanbaxyo waaweyn kaas oo lagu diidan yahay cunsurinimada Trump.



Cunsuriyada Trump dadka diidan waxa ugu horeeya dadka Maraykanka oo cadhadu cirka joogta oo ay ku jiraan Muslimiin, Yuhuudi iyo Kiristan.

Madaxa shirkada Starbucks oo bunka ay ku iibiso tukaanadeeda ka soo dhoofsata Afrika ayaa sheegay in ay shaqaalayn doonaan 10,000 oo qof oo qoxootiya.


Halka madaxa shirkada Maraykanka ee Airbnb oo u sheegay dadka ku xanibmey sharciga Trump ee madaarada fadhiya ay toos ula soo xiriiraan si uu GURI u geeyo. (Sawirkiisa hoos fiiri)

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.