X

Aamina Maxamed oo looga guulaystey tartankii hogaanka Afrika yayse guushu raacdey

Waxa mardhow la soo afmaray tartankii hogaanka midowga Afrika halkaas oo geeska Afrika rajo weyn ka qabay in ay ku guulaysato Aamina Maxamed oo ah wasiirka arimaha dibedda Kiiniya.

Waxase ku soo baxay nin Muslim ah oo ka soo jeeda dalka Jaad laguna magacaabo Muuse Faki Maxamed oo isna wasiirka arimaha dibedda dalkaasi Jaad.



Tartanka ayaa aad u adkaa waxana la isla gaadhey wareega sideedaad iyadoo la moodayay in la direy Muuse Faki ayaa hadana uu la baxay taageerayaal horleh.



Muuse Faki ayaan la fileyn in uu kursiga ku guuleysto waxase siyaasiyiin badan qabaan dagaalka uu aagaasi kaga tirtirey argagixisada in ay guusha siisey.

Muuse Faka ayaa balan qaaday in Afrika ka dhigo goob lagu soo hirto oo qalinku shaqeeyo. Kulanka Addis ababa ayaa sidoo kale looga doodey Marooko oo rabta in ay dib ugu soo noqoto ururka Afrika.



Sawirka hoose waa Muuse Faki Mahamat

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.