November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

War deg dega: argagixisada afrikada galbeed oo huteel Maali ku yaal afduub ugu qabsaday dadkii deganaa

Wararka ka imanaya Maali ayaa sheegaya in argagixisada galbeedka Afrika ay galeen huteel ku yaal bartamaha caasimada ee Bamoko halkaana ay afduub ugu haystaan dadkii deganaa. Maali oo ah dal fiqiira waxa ka jira gooni goosato Muslimiina iyo argagixiso ka dilaacay Woqooyiga dalkaasi oo hilfaha loo qaaday.

Weerarkan ay huteelka ku qaadeen ayaa imanaya xilli argagixisadu dad shacaba ku xasuuqeen Faransiiska oo gaaraya 130. Dad ka ag dhawaa huteelka ayaa sheegay in ay wateen gaadhi leh taarikada safiirnimada isla markaana ay afka soo duubteen.

WAxay markii dileen ilaalada huteelka waxayna dadka ku qasbeen in ay dhulka seexdaan ayuu sheegay nin ka badbaaday oo soo baxsaday.

Lama garanayo tirade argagixisada inta ay yihiin iyadoo lambarka lagu qiyaasay ilaa 5 ilaa 13 argagixiso oo la sheegay in ay isugu urureen dabaqa sare ee huteelka.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM