November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

War deg dega: booliiska magaalada Boorama oo ku kacay arin aad loo naxo

War laga naxo oo naga soo gaadhay Boorama ayaa sheegaya in booliiska magaalada Boorama ku kaceen arin aad u foolxun oo Boorama ugub ku ah. Sida uu ku waramayo wariye madax banaan oo jooga Boorama Booliiska ayaa kufsi u gaystey gabadh la soo xirey.

Gabadha la soo xirey ayaa la sheegay in ay muraayada ka jabisey nin ay gurigiisa u shaqaynaysay. Waxyaabaha Boorama ka Jira intii dawlad la’aanta ayaa waxa ku Jira in qof lacagle ama madax dhaqameed iska kaa xidi karo.

Waana ta ku dhacday gabadhan taasoo uu soo xirey isla ninkii ay u shaqaynaysay ee ay ka jabisey muraayada oo ahaa askari ka tirsan ciidanka. Gabadha markii la xirey ayaa lagala baxay jeelka abaaro 11-kii habeenimo taas oo loo sheegay in jeelka looga saarayo si loo fasaxo.

Waxa kadib gabadha la gaystey goob cidla ah halkaas oo lagu kufsadey ayna kufsadeen isla kuwii ay ahayd in ay amaankeeda ilaaliyaan intii ay xirneyd.

Gabadha waxa goobta cidlada ah ku kufsaday afar askari waxana saaka la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada iyadoo kooma ama xiskeedu maqan yahay, sida uu fahfaahinta noo siiyay C/wahaab Shucayb Ibrahim (Isteelo) oo ka mida aqoonyahanada gobolka.

Askartan kufsiga gaysatey ayaa ka soo jeeda beesha dhexe sida la xaqiijey waxana dhawaan loo soo bedelay Boorama si loo naasnuujiyo maadaama Siilaanyo ay xigto yihiin.

Dhinaca kale waxa baryahan magaalada Boorama ku batey askarta RRU ee Ingiriisku u tababaray Somaliland oo guryaha dadka u daata iyagoo ku eedaynaya in ay ka mid yihiin argagixisada shabaab.

Warbixintii Gadhka, Boorama

gadhka1144@gmail.com

ARAABINEWS