23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War deg dega: Dagaal Qaraar oo Balicad Ka Soconaya Ciidamada Khaatumo oo guul sheegtay

Ciidamada maamulka khaatumo ayaa caawa goordhaweyd  weerar qorsheeysan ku qaaday maleeshiyaadka maamulka Siilaanyo ee ku sugan Balicad.

Dagaalka caawa balicad ka dhacay ayaa ilaa hada aan la ogayn wax khasaare ah labada dhinac waxaana diryanka rasaastu hadheeyay magaalada ay is dhaafsanayan labada dhinac.

Goob joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maleeshiyaadka maamulka Siilaanyo ay rasaas ooda uga qaadeen dhanka magaalada iyagoon u meeldayeyn.

Maleeshiyaadka Balicad ayaa ah kuwo go’doon ah oo aan gurmad heli karin islamarkaana iyagu aan ka bixi karin magaalada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS