X

War deg dega: diyaarad Ruushku leeyahay oo la waayay iyadoo dul socota aaga Siinaay ee Masar

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in diyaarad uu Ruushku leeyahay ilaa hadda la waayay iyadoo dul socota aaga Siinaay ee Masar. Aaga Siinaay ee Masar ayaa waxa ku badan argagixisada Daacish ee dagaalka kula jirta dawladaha Muslimka ah. Warkan oo hadda soo dhacay ayaan la garanayn waxa dhabta ah ee ku dhacay diyaaradaas.

Diyaaradan ayaa sidey ilaa 200 oo qof oo rakaab ah waxa Masaaridu sheegayaan in ay ka baxday hawada Masar oo ay gashay ta Turkiga. Wararka qaar oo intooda badan ka imanaya Masar ayaa sheegaya hadda in ay ku burburtey bartamaha Siinaay.

Waxase jira khalkhal ka imanaya waxa ku dhacay diyaarada iyo in ay ka baxday hawada Masar sida Masaaridu hore u sheegeen. Wararkale ayaa sheegaya in diyaaradu dib uga soo muuuqatay hawdada Qubrus.

Dadka saran diyaaradan ayaa intooda badan ah Ruush ku dalxiisa goobta dalxiiska ee Shaamal Shaykh.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.