Wararka naga soo gaadhaya dalka Masar ayaa sheegaya in doon sidey tahriibayaal gaadhaya 500 qof oo Somali ah ay goor dhaweyd ku gadoontey xeebaha dalka Masar. Doontan ayaa ku socotey dalkaasi Talyaaniga markii ay rogmatey. Wararka ayaa sheegaya in doontu buux dhaaftey.
Dhimashada ayaa la sheegayaa in ay farabadan tahay laguna qiyaasay ilaa 200 oo qof oo intooda badan ka soo jeeda Somaliland sida Hargeysa iyo Burco inkastoo ay ku jiraan dad ka soo jeeda magaalooyinka kale ee Somalida.
Waxa goobtii shilku ka dhacay gaaray ciidamada Masar. Dadkan ayaa laga baqayaa in beerka, wadnaha iyo kalyaha lagala baxo sidii lagu sameeyay muwaadiniintii hore.
Magacyada qaar dadkii saarnaa oo na soo gaaray ayaa waxa ka mida sidan hoos ku qoran. Magacyadan ayaa ka soo jeeda dhamaantood magaalada Burco.
Axmed shuuriye iyo Xaaskiisa (Burco ) 2-cismaan cabdi wali shagaxle (Burco ) 3-baashe farax jamac AHN (BURCO) 4-mukhtarCiise AHN (BURCO) 5-maxamed faroole AHN 6- ciise Cali 7-Ahmed aadan 8-ayman 9-Koos Xuseen Cali (BURCO ) 10-khadra 11-farduus burco (BURCO ) 12-ruqiya adiris 13-maxamed mire
Waxa welli soo baxaya warkan doontan oo Masar si aada looga hadalhayo. Masar ayaa hadda noqotey khad cusub oo laga aado Talyaaniga.
Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay