November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

War deg dega: gurigii taliyaha booliiska gobolka Awdal Cabdi Arawelo oo dab la qabadsiiyay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in guriga taliyaha booliiska Boorama ninka lagu magacaabo Cabdi Arawelo dab la qabadsiiyay. Dad aad u caraysan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkan lagu gubey guriga waxana magaalada ka bilaabmey ugaarsi lagu hayo dadkii ka dambeeyay xasuuqa dhalinta reer Awdal.

Dadweyne aad u caraysan ayaa magaalada ka wada isku soo baxyo inkastoo looga dilay in iyagana la xasuuqo iyadoo magaalada Siilaanyo oo London ku raaxaysanaya uu ku soo daayay ciidankii Ingiriisku u tabaray in lagula tacaalo argagixisada.

Waxa la maqlayaa rasaas teel teela aan ilaa hadda la ogeyn in ay gaysatay khasaare kale. Wiilashii la xasuuqay ayaan la doonayn in ay noqdeen dad dameer dilay. Warar ayaa sheegaya in taliyuhu sheegay in aanu garanayn ninka rasaasta furey taas oo ka dhigan in rasaasta fureen ciidanka Ingiriisku u tababaray Siilaanyo.

1[1] 2[1]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM