21/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War deg dega: Is qarxin ka dhacday wasaarada hidaha iyo tacliinta sare oo gaysteen argagixisada shabaab

Muqdisho–Warka naga gaaraya wasaarada hidaha iyo tacliinta sare ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar isqarxin ah laakiin wali ay soo baxayso faahfaahinta warkaasi. Qaraxa kadib ayaa la sheegay inay dhismaha gudaha u galeen dabley hubeysan, kuwaasoo is rasaaseyn ay dhex martay Ilaalada dhismaha ku sugnaa.

Dhismaha Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare waxaa ku howl gasha Wasaaradda Waxbarashadda, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Qaraxan ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka iyo dhaq dhaqaaqa ka jiray wadada KM4 ilaa KM5, waxaana Wasaaradda ku dhow Hotelo iyo maqaayado caan ah.

La soco wararka dambe

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS